Dowladda Ireland oo war ka soo saartay dadka magan-galyo doonka ah ee ku sugan dalkeeda

0
71

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dowladda Ireland ayaa sheegtay in aysan awoodin in ay guryo siiso dhamaan dadka magangalyo doonka ah.

Wasaaradda isdhexgalka dalkaas ayaa sheegtay inay jiraan gabaabsi weyn oo xaga guryaha ah.

Ireland ayaa waxay haatan guryo siisay in ka badan 100,000 oo qof oo 74,000 oo qof ay kamid yihiin dad ka soo cararay dagaalkii Ukraine.

Dalka Ukraine ayaa waxaa sidoo kale ku nool dad badan oo African ah kuwaasi oo halkaasi u tagay ineey helaan nolol wanaagsan.