Dowladda Jarmalka oo amar ku soo rogtay dadka ka yimida Norway.

0
180

Baladweyne (Radio Beerlula)-Go’aan kasoo baxay dowlada Germany ayaa lagu sheegay in dadka aan qaadan talaalka Corona ee ka imaanayo dalal ay Norway kamid tahay ay galaan karantil, marka ay soo galaan dalka Germany.

Dalalkaas ay Norway kujirto ayay dowlada Germany ku sheegtay inay ku jiran liiska dalalka ay kajirto halis la xiriirta faafitaanka
feyruska corona.

Qofka aan talaalneyn ee ka taga Norway ee galaya Germany ayaa ku qasbanaan doono inuu galo karantiil shan(5) maalin ah, isaga oo shan(5) maalin kadib fursad u heli karo inuu maro baaritaanka feyruska corona.

Dalalka kale ee Germany ay shardiga karantilka ah kusoo rogtay waxaa kamid ah Denmark iyo Faransiiska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here