Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dowladda Kenya ayaa bilowday dadaallo ay xal ugu raadinaysa khilaafka kala dhexeeya mucaraadka dalka oo ka biyo diiddan qaar kamid ah siyaasadda dowladda.
Dowladda iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sameeyo guddi si hoose u xalliya khilaafaadkooda, kaddib toddobaadyo ay socdeen dibad baxyo rabshado wata.
War saxaafadeed ka soo baxay labada isbahaysi ee siyaasadda ayaa lagu sheegay in guddiga isku dhafka ah uu ka koobnaan doono toban qof oo dhinac walba ay shan qof ka imaanayaan.
Waxay ka wada hadli doonaan dib u habeyn lagu sameeyo guddiga doorashada, iyo in xafiis rasmi ah loo sameeyo hoggaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga.
Raila Odinga ayaa ilaa hadda ku andacoonaya in doorashadii ugu dambeysay ee uu ku soo baxay Ruto in lagu shubtay.