Baladweyne (Radio Beerlula)- Dawladda Maraykanka ayaa hirgelinaysa nidaam cusub oo ay doonayso in si degdeg ah go’aan looga gaadho kiisaska magangelyo doonka ah ee horyaalla maxkamadaha kala duwan ee Maraykanka, kuwaas oo haatan qaata muddo sannado ah.
Hindisahan cusubi ayaa dhigayaa in kiisaska magangelyo doonka ah lagaga go’aan gaadho qiyaastii muddo lix bilood ah.
Tallaabadan ayaa maamulka Biden wuxuu doonayaa inuu wax kaga qabto, walaaca kala duwan ee ay qabaan, codbixiyayaasha Maraykanku.
Arrintan ayaa ah, tallaabo si weyn loogu dedejinayo kiisaska magan-gelyo doonka ah iyo kuwa la xidhiidha arrimaha socdaalka ee buux-dhaafiyey maxkamada dalka Maraykanka.
Kiisaska magangelyo doonka ayaa haatan celcelis ahaan qaata inay ku dhamaadaan illaa afar sannadood.