Dowladda Qadar oo ku baaqday in Mareykanka iyo Iiraan ay wadahadlaan

0
321

Baladweyne(Radio Beerlula)- Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Qadar ayaa ku baaqay dadaal albaabada loogu furayo wadahadalo u dhaxeeya dalalka Iiraan iyo Mareykanka .

Sheekh Maxammed binu Abdulraxmaan Al-Thani ayaa wariyaasha ugu sheegay magaalada London in Qadar iyo dalal kale ay labada dhinacba xirir la sameeyeen si xal loogu helo xiisadda sii sii xoogeysaneysa ee gobalka

Hadalkaan ayaa imaanaya iyada oo toddobaadkaan lagu wado in ay booqosho ku tagaan magaalada Tehraan Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Jarmalka Heiko Maas iyo raisul wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe iyaga oo isku dayeya xal u helidda xaaladda ka dhex aloosan labada dal .

Sheekh Maxammed ayaa sheegay in Qadar oo ay wehliyaan dalal kale ay isku dayayaan inay kala dhexgalaan si meesha looga saaro xiisadda labada dhinac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here