Dowladda Soomaaliya oo bilowday diwaangelinta xarumaha caafimaadka dalka.

0
83

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa bilowday diwaangelinta dhaqaatiirta, howlwadeennada iyo xarumaha caafimaadka dalka.

Qorshahan lagu diwaangelinayo xarumaha caafimaadka iyo holwadeennada ka howlgala ayaa looga gon lee yahay sidii loo hubin lahaa xirfaddaha dhaqaatiirta iyo adeegyada ay bixiyaan isbitaalada.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.