Dowladda Soomaaliya oo Dowladda Ruush-ka kala wareegtay deeq Qamadi ah oo gaaraya 25,000 oo Ton.

0
93

Baladweyne ( Radio Beerlula )-munaasabad kooban oo ka dhacday Dakadda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa Dowlada Soomaaliya kala wareegtay Dowlada Ruushka Markab siday shixnaddo mucaawino ah taas oo gaaraysa 25,000 oo tan oo Qamadi ah.

waxa goob joog ahaa madasha lagu wareejinayey shixnada macaawinada ah Wasiiro ka tirsan XFS oo ay wahliyaan masuuliyiin ka tirsan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA.

Warkan waxaa inoo haya Maxamed Yuusuf Cabdulahi