Dowladda Soomaaliya oo hoos u dhigtay kharashkii ku bixi jiray Xajka.

0
68

Baladweyne (Radio Beerlula)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Faderaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Bare ayaa magaalad muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya kusoo xiray hawlaha xajka ee sannadkii tagay, taas oo lagu qiimeynayey qorsheyaasha hirgalay iyo caqabadihii soo food-saaray xujeyda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in hoos loo dhigay kharashaadkii ku bixi jiray Xaajiga Soomaaliyeed sanadkan in ka badan $700, walina ay Xukuumaddu ku sii dadaaleyso sidii loo sii yarayn lahaa qiimaha, halka guddi loo saaray korjoogteynta adeegyada, Tayada iyo xaaladda nololeed ee Xujeyda Soomaaliyeed ee soo gudanaysa acmaasha barakaysan ee Xajka.

Warbixintan waxaa noo haya Xaawo Luul Aadan Xuseen.