Dowladda Soomaaliya oo ka digtay dadaad laga cabsi qabo inay ku dhuftan qeybo ka mid ah dalka.

0
64

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeerey xarunta Hey’adda Maareynta Musiibooyinka, si uu qiimeeyo heerka diyaar-gorow ee digniinaha la xiriira roobabka iyo fataahadda laga cabsi qabo in ay saameeyaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu kormeerka ku jirey wuxuu warbixinno ka dhegeystey qaar ka mid ah madaxada iyo khuburada hey’adda SODMA, isagoo ku boorriyey in ay labo jibbaaraan dadaalkooda ku aadden maareynta musiibooyinka, si looga hortago dhibaato xooggan oo dadkeenna ka soo gaari karta roobabka iyo fatahaadaha ku soo foolle.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabduqaadir Cumar Ibraahim.