Dowladda Sucuudiga oo mamnuucday qurxinta xad dhaafka ah ee geela.

0
171

Baladweyne (Radio Beerlula)- In ka badan 40 geel ah ayaa tartanka quruxda Geela ee dalka Sacuudiga laga reebay ka dib markii la ogaaday in irba lagu muday si faruuruhu u waynaadaan islamarkana qaarkood loo soo marayay waxyaabah jirka lagu qurxiyo.
Tartankan oo lagu magacaabo tartanka boqor Cabdul casiis ayaa waxaa lagu bixiyaa abaalmarin qaali ah.
Tartanka quruxda Geela ayaa qofka uu geelkiisu ku guuleysto waxaa la siinayaa lacag dhan $66 milyan oo doolar.
Waxyaabah la eegayo tartankan waxaa ka mid ah faruuryo dhaadheer , San balaaran iyo kurus dheer.
Garsoorayaasha ayaa adeegsanaya tiknoolajiyad si loo kala saaro geela asalka ah iyo kuwa loo isticmaalay kimikooyiin si loo qurxiyo , sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Sacuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here