Dowladda Turkiga oo biloowday qorshe ka dhan ah dadka soo galootiga.

0
119

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dowlaldda Turkiga ayaa sheegtay inay dalkeeda ay ka saareyso in ka badan hal milyan oo qof oo ah soo-galooti u dhashay Suuriya oo aan sharci rasmi ah ku joogin dalkaasi.

Sidoo kale mas’uuliyiinta socdaalka ee Turkigu waxay bilihii ugu dambeeyay qaadeen ololeyaal lagu beegsanayo dadka Afrikaanka ah ee ay sharciyadii ka dhaceen balse wali dalka gudihiisa sii jooga.

Qorshahan dowladda Turkiga wado ayaa sidoo kale looga hortagaya dadka sida sharci daraad ah ku soo galaya dalka Turkiga kuwaasoo kordhay sannadihii la soo dhaafay.

Dadka u dooda xaquuqda aadanaha ayaa walaac ma muujiyay talabadan dalka Turkiga looga saarayo dadka soo galootiga ee u dhashay Suuriya iyo dalalka kale ee Afrika.