Dowladda UK oo fursad siinaysa ardayda ka soo qalinjebiyay jaamacadaha qaar ee dunida.

0
221

Baladweyne (Radio Beerlula)- Aqoonyahannada ka qalinjebiya jaamacadaha ugu sarreeya adduunka ayaa fursad loo siin doonaa inay tagaan waddanka UK, iyagoo ka faa’iidaysan doona barnaamij cusub oo ay ugu talagashay dowladda.

Barnaamijkan ayaa loo qoondeeyay ardayda kasoo baxa jaamacadaha aan ku oollin UK, gaar ahaan kuwa qalin-jebiyay intii lagu jiray shantii sano ee lasoo dhaafay.

Aqoonyahannadan ayaan lagu xiri doonin wax shuruud ah oo ku saabsan meesha ay ku dhasheen, umana baahnaan doonaan oggolaansho-shaqo si ay dal-ku-gal u dalbadaan.

Dadka ku guulaysta barnaamijkan ayaa la siin doonaa dal-ku-gal-shaqo (work visa) oo labo sano ah, haddii ay haystaan shahaadaha heerka koowaad ee bachelor-ka ama master-ka, halka dadka haysta PhD-ga la siin doono fiiso saddex sano ah.