Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dowladda dalka Venezuela ayaa sheegtay in billada u sarreysa ee dalkaasi laga bixiyo la siin doono Sahar Emami, oo ah saxafiyad reer Iiraan ah oo iyadoo ku jirta barnaamij toos ah ay duqeysay Israaiil.
Sahar Emami ayaa markii la duqeynayay xarunta warbaahinta Iiraan ku jirtay barnaamij toos ah iyadoo ka warameysay gantaalaha Iiraan ku garaceysay Israaiil.
Muuqaalka gabdhan saxafiyadda ah oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa inta badan lagu amaanay sida ay ugu dhiiratay inay sii wado tabinta tooska ah xili duqeynta ay ku socotay dhismaha warbaahinta dawladda Iiraan.
Wakaaladda Wararka Iiraan ee IRNA ayaa shaacisay xogta ku saabsan abaalmarintan la siino wariyahan ka shaqeyneysay Tv-ga dowladda.