Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dugsiga H/Dhexe Sare Buundo-wein ee Baladweyne ayaa si rasmi ah loogu soo kordhiyay qayb cusub oo ah Xifdinta Qur’aanka Kariimka, taas oo loogu talagalay ardayda doonaysa in ay barashada cilmiga Islaamka iyo xifdinta Kitaabka Alle ku daraan waxbarashada maadiga ah ee dugsiga.
Qaybtan cusub ayaa ka mid noqon doonta adeegyada waxbarasho ee dugsigu bixiyo islamarkaana ardayda lagu barbaariyo akhlaaq suuban, aqoon diin iyo Maadiba.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.


