Dunida oo ka qaylisay muuqaallada la-haystayaasha Israa’iil ee Qaza oo la soo bandhigay ayagoo macluulaya.

0
133

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Hoggaamiyayaasha reer galbeedka ayaa cambaareeyay muuqaalada la-hayste u dhashay Israa’iil oo macluul ka muuqato kaas oo fidiyow looga duubay Qaza.

Hay’ada Laanqeyrta Cas ayaa ku baaqaday in loo ogolaado sidii ay ku gaari lahaayeen la-haystayaasha.

Xoghayaha arrimaha dibadda UK, David Lammy, ayaa ku tilmaamay “sawirada la- haystayaasha oo loo adeegsanayo dacaayada in ay tahay wax laga naxo”, waa in lagu sii daayaa “shuruud la’aan”.

Baaqyadan ayaa soo baxay kaddib markii kooxda Islaamig Jihaad ay khamiistii soo saareen fidiyow ay ka duubeen Rom Braslavski oo caato ah, sidoo kalena ooynayana.

Xamaas waxay iyagana Sabtigii soo bandhigeen muuqaalka Evyatar David.

Hoggaamiyayaasha Isra’iil waxay ku eedeeyeen Xamaas in ay la-haystayaasha gaajo geliyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here