Duq magaalo oo guursaday yaxaas dalka Mexico.

0
166

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Duqa magaalada San Pedro Huamelula, ee koonfurta dalka Mexico, Victor Hugo Sosa ayaa guursaday Yaxaas dhedig ah, iyadoo loo dhigay xaflado la mid ah kuwa loo qabto lammaaneyaasha isguursanaya, waxana ka qeyb galay boqolaal dad ah.

Arrinkan ayaa ah caado dhaqameed ay leeyihiin bulshada dalkan, oo aaminsan yihiin in uu horseedo nasiib wanaag.

Bulshada deegaankan ayaa yaxaaskan dhegid ugu yeera gabadhii boqoradda’ ahayd.

Victor Hugo Sosa duqa magaalada San Pedro Huamelula ayaa sheegay inay is jecel yihiin isaga iyo yaxaaskan dhediga ah.

Waxa uu intaa raaciyay in uu qaaday masuuliyadda yaxaaskaas wixii hadda ka dambeeya. “La isma guursan karo jaceyl la’aantiisl,” ayuu yiri.

Waxaa lagu sawiray isaga oo dhunkanaya oo xanbaarsan yaxaaska oo afka laga dhuujiyay xarig.

Guurka u dhexeeya ragga iyo yaxaaska dhedig waxa uu dhaqan iyo caado ka ahaa halkan 230kii sano ee lasoo dhaafay, si loo xuso heshiis nabadeed oo u dhexeeya labo bulsho isla degan dhulkan oo lagu kala magacaabo chontal iyo Huave.