Duqa Baladweyne oo ka qeyb gashay munaasabad shahaadooyin lagu guddoonsiinayay ardeyda ka qalin jabisay Somali International

0
356

Baladweyne(Radio Beerlula)- Duqa magaalada Baladweyne Safiya Xassan Sheekh Cali Jimcaale ayaa ka qeyb gashay munaasabad shahaadooyin lagu guddoonsiinayay 90 ardey oo ka qalin jabisay iskuulka Caalamiga  ee Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay bahda waxbarashada iyo waalidiin kuwaaso hadal dardaaran ah u jeediyay ardeyda qalin jabisay.

Maamulaha iskuulka Somali International ee magaalada Baladweyne Muxiyadiin Muxumed Xirsi ayaa ka waramaya marxaladihii kala duwan ee ay soo mareen.

Duqa magaalada Baladweyne Safiya Xassan Sheekh Cali Jimcaale oo shahadooyinka guddoonsiiyay ardeyda qalin jabisay ayaa sheegtay in waxbarashada ay muhim u tahay nolosha.

Warbixintan waxaa noo haya Cabdulqaadir Cumar Ibraahim Nadaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here