Duqa magaalada Baladweyne oo sheegtay in saddex caruur ah gaajo ugu dhinteen xaafadda Buundo weyn.

0
163

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ugu yaraan saddex caruur ah ayaa gaajo ugu geeriyootay xaafadda buundo weyn ee magaalada Baladweyne kadib markii ay go’doomiyeen dadaadka ka dhashay fatahaadda uu geystay webiga shabeelle.

Caruurtan ayaa lagu soo waramaya inay ka soo jeedeen qoysas danyar ah oo ku tiirsan nolol maalmeedka waalidiintooda ka soo helan suuqyada kuwaasoo hadda ay sameeyeen fatahaadda ku dhufatay magaalada Baladweyne.

Warkan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey