Baledweyne ( Radio Beerlula )-Zohran Mamdani, oo ah 33 jir ku dhashay Uganda balse ku barbaaray New York ayaa ku guuleystay doorashada kursiga duqa magaalada New York dalka Mareykanka.
Mamdani ayaa helay 43% codadka, isagoo ka hor maray guddoomiyihii hore ee gobolka, Andrew Cuomo, uu helay 36%.
Ninkan oo ah Nin Muslim ah isla markaana Qadiyada Falastiin aad utaageersan ayaa si lama filaan ah u helay codadka shacabka New York
Taariikhda Zahran Mamdan ayaa noqonaya Muslimkii ugu horeeyay ee duq ka noqda Magaalada New York ee dalka Mareykanka.


