Duufaan ku dhufatay Ingiriiska oo dhibaato geysatay.

0
45

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Duufaanta Ciaran oo ku dhufatay Koonfurta dalka Ingiriiska iyo qeybo kale oo kamid ah Yurub, ayaa geystayay burbur xooggan.

Kumanaan guryo ah ayaa wajahaya koronto la’aan, waxaana albaabada loo laabay boqolaal xarumo oo waxbarasho, ganacsiyada ayaa sidoo kale la xiray.

Duufaanta ayaa sidookale sababtay daadad, iyo burbur soo gaaray dhismeyaal halka ay sidookale hakad gelisay safarrada dadka.