Duufaan xoogan oo waxyeelo ka geysatay dalka Mareykanka.

0
191

Baladweyne (Radio Beerlula)-Hal qof ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen, ka dib markii duufaan sababtay in saqafka sare ee tiyaatarka, uu ku soo dumo dadweyne wax daawanayeymagaalada Illinois ee dalka Mareykanka.
Ku dhawaad 260 qof, ayaa ku sugnaa Tiyaatarka Apollo, Belvidere, markii saqafku uu soo dhacay 19:55 wakhtiga maxaliga ah, waaxda dab damiska ee deegaanka, ayaa sidaasi sheegtay.
Madaxa dab damiska Shawn Schadle, ayaa sheegay in shan qof ay ku jiraan xaalad halis ah.
Duufaano xooggan, ayaa Jimcihii ku dhuftay gobollo badan oo dalka Mareykanka ah, kuwaasoo dilay ugu yaraan saddex qof.
Khasaare baaxad leh, ayaa laga soo sheegay qaybo kamid ah Koonfurta iyo Galbeedka – iyadoo gobollada Arkansas iyo Missouri ay ku dhawaaqeen xaalad degdeg ah. Tobanaan kun oo qof, ayay ka tagtay korontadii.
Duufaan weyn ayaa ku rogmatay caasimadda gobolka Arkansas ee Little Rock, baabuur rogantay, saqafyo duulay, iyo geedo ksaoo ruqay dhulka. Ugu yaraan 24 qof, ayaa ku dhaawacantay, sida uu sheegay duqa magaalada.