Duufaanno baraf ah oo xayiray duullimaadyo badan dalka Maraykanka.

0
39

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Boqolaal duullimaadyo oo ka imaanayay saddexda garoon ee ugu waaweyn magaalada New York ayaa la baajiyay xilli ay socdan duufaanno baraf wata.

In ka badan 330 duulimaad ayaa la tirtiray guud ahaan garoomada La Guardia, JFK iyo Newark, sida ka muuqata xogta FlightAware.

Garoonka LaGuardia ayaa ilaa hadda ah garoonka ugu daran ee ay saameysay, xogtu waxay muujineysaa, iyadoo in ka badan 226 la baajiyay.

Daraasiin duullimaadyo ah ayaa sidoo kale muujinaya dib u dhac – inkastoo qaar ka mid ah baajinta laga yaabo in la sameeyay si loo xaddido saameynta waddooyinka ugu mashquulka badan.