Duufaanta Melissa oo ku dhufatay Cuba

0
83

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Duufaanta Melissa ayaa ku dhufatay Cuba iyadoo wadata dabeylo xawaarahoodu yahay 120mph, ka dib markii ay ka gudubtay Jamaica, taas oo ah duufaantii ugu xoogganayd ee ku dhufatay dalkaas taariikhda casriga ah.

Raysal wasaare Jamaica, Andrew Holness, ayaa ku dhawaaqay “aag masiibo” ah wuxuuna ka digay “saameyn baaxad leh”, sida burbur soo gaara guryaha iyo isbitaallada.

Duqa magaalada Montego Bay ayaa u sheegay BBC in waxa ugu horreeya ee ay sameyn doonaan ay tahay “hubinta in qof walba uu badqabo”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here