Duulimaadyadii ugu horreeyay ee Qatar iyo Israa’iil oo bilowday

0
133
Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2018-03-10 12:50:33Z | http://piczard.com | http://codecarvings.comÿØ£Ù ­

Baladweyne (Radio Beerlula)-Duulimaadkii ugu horreeyay ee ganacsi ee toos ah oo la isaga kala gooshayo Israa’iil iyo Qatar ayaa bilowday kadib markii magaalada Dooxa uu ka bilowday koobka Adduunka, walow labadan dal aanay lahayn xiriir diblumaasiyadeed.

Kumannaan Israa’iiliyiin ah ayaa la filayaa in inta uu socdo tartankaasi kubadda cagta ay booqan doonaan dalkaasi ku yaal Khaliijka Carabta.

Falastiiniyiinta haysta tigidhada lagu galo ciyaaraha, kuwaas oo ay tahay inay marka hore ogolaansho ka helaan dowladda Israa’iil, ayaa iyana loo ogolaan doonaa inay safraan.

Wufuud heersare ah iyo taageerayaal ka kala tagay daafaha dunida ayaa gaaray dalkaas ku yaal Khaliijka Carabta, halkaas oo uu tartankaasi ka socon doono muddo bil ah.

Waa tartankii ugu horreeyay ee Koobka Adduunka ee lagu qabto Bariga Dhexe, waxana tartankan ka qeyb galaya 32 kooxood.