Duuliye ka badbaaday diyaaradii uu kaxaynayay oo burburtay.

0
67

Baladwayne ( Radio Beerlula )-18-qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalada Kathmandu ee dalka Nepal, kaddib markii uu dab qabsaday.

Duulimaadka, oo ku sii jeeday Pokhara oo qayb ka ah hubinta dayactirka caadiga ah, ayaa burburtay abbaare 11:15 wakhtiga maxaliga ah, dhawr daqiiqo ka dib markii ay ka kacday garoonka caalamiga ah ee Tribhuvan, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Nepal. Xarunta isku-xirka raadinta iyo samatabbixinta ee Hay’adda Duulista Rayidka.

Duuliyaha oo hadda lagu daweynayo cisbitaalka, ayaa ah qofka kaliya ee ka badbaaday shilkii dhimashada badnaa ka dib markii laga soo badbaadiyay burburka diyaarada gubaneysay.

Tijaabada Duulimaadka Diyaarada Saurya ayaa waxaa la socday 17 ka mid ah Shaqaalaha Shirkada oo ay ku jiraan Shaqaale Farsamo iyo sidoo kale labo Shaqaale oo kale.

Afhayeenka booliiska Dan Bahadur Karki ayaa BBC Nepali u sheegay in duuliyaha uu dhaawac ka soo gaaray indhaha iyo wejiga, balse wuxuu sheegay in naftiisu aysan khatar ku jirin.