Eey madaxweyne leeyahay oo qaniinay madaxweyne marti u ahaa

0
118

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Eeyga madaxweynaha Moldova ayaa gacanta ka qaniinay madaxweynaha Austria xilli uu booqasho rasmi ah ku joogay dalkaasi.

Madaxweynaha Austria Alexander van der Bellen ayaa la kulmay dhacdadaan oo hadal hayn badan ka abuurtay gudaha labada dal iyo guud ahaan warbaahinta adduunka.

Muuqaalo ay baahisay warbaahinta Moldova ayaa muujinaya van der Bellen oo la taagan Sandu oo madaxweynaha Moldova iyo Codrut oo ah eey ay leeyahay.

Labada Madaxweyne ayaa ku sugan banaanka hore ee Madaxtooyada Moldova Markii eygu qaniinyada u gaystay Madaxweynaha Austria ayada oo isla markiiba laga fujiyay .

Madaxweynaha ayaa foorasaday oo isku dayay in dhabarka uu ka saalaxo eyga balse gacanta ayuu ka qaniinay.

Qaniinyadda eyga ee madaxweynaha oo ah mid jabinaysa hab-maamuuska caalamiga ah ayaan sababin in uu xumaado xariirka dowladaha Austria iyo Moldova.