Elon Musk oo ku dhawaaqay qorshe cusub ka dib khilaafka isaga iyo Turmp

0
79

Baladweyne (Radio Beerlula)-Elon Musk ayaa sheegay inuu bilaabayo xisbi siyaasadeed oo cusub, toddobaadyo kaddib markii ay si xun isugu dhaceen Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Maalqabeenkan ayaa bartiisa bulshada ee X, ee horrey loo oran jiray Twiter, kaga dhawaaqay inuu aasaasay xisbi uugu yeeray (America Party) isagoo tilmaamay inuu caqabada ama tartan adag ku noqonayo nidaamka labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga.

Si kastaba ha ahaatee, weli lama caddayn in xisbiga si rasmi ah looga diiwaangeliyay hay’adaha doorashada Maraykanka, sidoo kalena Musk ma uusan bixin faahfaahin ku saabsan cidda hogaamin doonta ama qaabka uu xisbigu yeelan doono.

Wuxuu markiisii kowaad soo jeediyey filashada furitaanka xisbigan intii lagu jiray khilaafkii isaga Trump, taas keentay inuu ka tago doorkiisii maamulka una galay dagaal afka ah oo xun oo uu la galay saaxiibkiisii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here