Elon Musk oo lagala wareegay maalqabeenka Adduunka.

0
129

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Larry Ellison ayaa maanta noqday maalqabeenka koowaad ee dunidda, isagoo ka dul booday Elon Musk, kaddib markii maanta oo kaliya uu faa’iiday 101 bilyan oo dollar, sida ay sheegtay Bloomberg, oo ku tilmaamtay guushan mid aan horey loo diiwaangelin.

Maanta, hantida uu leeyahay Larry Ellison waxay gaartay qiyaastii $393 bilyan, halka Musk uu hoos ugu dhacay qiyaastii $385 bilyan.

Ellison oo ku dhashay magaalada New York sanadkii 1944, waxa uu ku koray nolol adag kadib markii ay hooyadiis ay carruurnimadiisa ku wareejisay qoys kale oo korsada oo ay qaraabo ahaayeen.

Wuxuu labo mar isku dayay inuu jaamacad dhammeeyo , balse wuu ku guul darraystay oo waligiiba jaamacad ma dhammeyn, isagoo markii dambe isaga tagay.

Sannadkii 1977, isagoo jeebkiisa ku jirto $2,000 oo keliya, wuxuu aasaasay shirkad software ah oo markii dambe noqotay Oracle Corporation, taasoo ah shirkadda maanta hoggaamisa database-ka iyo software-ka caalamka.

Guushaas hore waxay ahayd aasaaska hantida uu maanta ku fadhiyo, balse waxaa si weyn ugu sahlay inuu noqdo maalqabeenka koowaad waa kororka xoogan ee Oracle ka sameysay qaybta tiknoolajiyada casriga ah sida cloud computing iyo artificial intelligence (AI).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here