Elon Musk oo lagu eedeeyay in uu shaqo u diiday Dad magangalyo doon ah.

0
67

Baladwayne  ( Radio Beerlula )-Milkiilaha Shirkadda (X) Twitter Elon Musk ayaa loo heystaa eed la xiriirta in uu shaqo u diiday Dad Magangalyo doon ah sida ay caddeysay Waaxda Cadda Mareykanka oo dacwaddaan kusoo oogtay Ninkaan dhaqaalaha badan heysta.

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in falkaan uu dhacay intii u dhaxeysay 2018 illaa 2022 oo waqti gaar ah laguma muujin balse shirkadda Space X ay ku xadgudubtay shuruucda socdaalka Dalkaas waa sida hadalka loo dhigay.

Elon Musk iyo saraakiisha ka hooseysa ayaa si been abuur ah u sheegay in shirkaddoodu ay shaqaaleysiiso keliya dadka haysta dhalashada Mareykanka ama kuwa gacantooda u gashay deganaashiyaha rasmiga ah.

Elon Musk ayaa lagu qasbi doonnaa in uu shaqaaleysiiyo Magangalyo doonka si uu u dhaqangeliyo shuruucda ku xusan heshiiska shaqo-gelinta, waaxda caddaaladda Mareykanka ayaa ku goodisay in ay la xisaabtami doonto Ninkaan maalqabaynka ah.