Elon Musk oo xaraashaya astaantii hore ee Twitter-ka iyo agab kale.

0
90

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Milkiilaha shirkadda Twitter Elon Musk ayaa xaraashaya astaantii hore ee Twitter-ka iyo agab kale oo shirkaddu laheyd kaddib markii uu ka guuray astaantaas.

Wuxuu iibiyay alaab gaareysa 584 oo ay ku jiraan kuraasta xafiiska, sawirro iyo qalabka muusigga.

Ilaa bilowgii sanadkii hore waxay shirkaddu isku dayeysay inay dhinto qarashka iyadoo shaqada ka joojisay kumanyaal shaqaalihii shirkadda.

Liiska agabka la xaraashayo waxaa ku jira calaamadda shirkadda shimbirta taas oo weli ku dheggan qeyb ka mid ah dhismaha shirkadda. Xarunta shirkadda waxay ku taal San Francisco.

Bishii hore waxay madaxda shirkada si kumeel gaar ah dhowr meel uga joojiyeen astaanta Twitter-ka.

Xaraashka agabka shirkadda waxa uu bilaabanayaa 12-ka bisha soo socota ee Sebtembar, wuxuuna soconayaa labo maalmood.