Emailo digniin ah oo loo diray shaqaalaha federaalka Mareykanka.

0
127

Baladweyne (Radio Beerlula)- Elon Musk oo ah madaxa Waaxda Hufnaanta Dawladda (DOGE) ee maamulka madaxweyne D. Trump ayaa Sabtidii ku hanjabay inuu shaqada ka eryi doono shaqaale kasta oo federaal ah oo ku guuldareysta inuu sharxo shaqadii uu qabtay toddobaadkii la soo dhaafay.

Hanjabaaddan, oo uu soo dhigay bartiisa bulshada ee X, ayaa timid waxyar uun ka dib markii Madaxweyne Donald Trump uu ku qoray shabakaddiisa Truth Social in hay’adda DOGE ay si habsami leh u yaraynayso oo ay dib u habeyn ugu sameynayso shaqaalaha federaalka.

emailo ayaa loo diray shaqaalaha hay’adaha federaalka sida Guddiga Ammaanka iyo Sarrifka (SEC), Hay’adda Cimilada iyo Badaha Qaranka (NOAA), Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada (CDC), iyo kuwa kale, iyadoo ciwaanku yahay, “Maxaad qabatay toddobaadkii la soo dhaafay?”

Emailka, oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa shaqaalaha federaalka ka codsanaya inay ka jawaabaan shan qodob oo kooban oo sharxaya shaqadii ay qabteen toddobaadkii hore, iyagoo sidoo kale koobiga emailka u diraya maamulkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here