Erik ten Hag Oo Helay Xiddigii U Buuxin Lahaa Boosaska Ay Ka Maqan Yihiin Jadon Sancho Iyo Antony

0
81

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Xiddiga garabka ka ciyaara ee Manchester United Facundo Pellistri ayaa durba tusay Erik ten Hag sababta uu u noqon karo xiddiga Jadon Sancho ka bedela Old Trafford.

Mustaqbalka Sancho ee kooxda ayaa shaki uu ku jiraa ka dib markii uu beenaale ku tilmaamay Erik ten Hag todobaadkii la soo dhaafay.

Ten Hag ayaa sheegay in xiddiga Ingariiska uu ku liitay tababarka taasna ay sabab u aheyd in laga saaro kooxda kulankii Arsenal, laakiin Sancho ayaa warkaas been ku tilmaamay ka dib qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.

Kooxo ka dhisan Sacuudiga iyo Tukriga ayaa lala xiriirinayay laakiin haatan weli waa ciyaaryahan Man United ah.

Dhanka kale United ayaa maanta sheegtay inay shaqada ka joojiyeen Antony madaama ay ku socoto dacwad la xiriirta inuu dilay garab ay saaxiibo ahaayeen. Boliiska England iyo Brazil ayaa haatan baaraya eedeymahaas.

Haddii labada ciyaaryahan aysan ciyaari karin kulanka xiga ee Man United ay la balansan tahay Brighton 16ka September markaas Ten Hag wuxuu u baahnaan doonaa bedelkooda.

Waxaana u diyaar ah Pellistiri kaasoo tusay Erik ten Hag sababta ay tahay in fursad loo siiyo.

Bishii March, Ten Hag ayaa yiri: “Pellistri waa tusaale u qalma booskiisa marka loo eego wacdaraha uu ku dhigayo tababarka.

“Sida aan sheegay maalin hore, ma aanan u xulanin kulankii Liverpool, mana aheyn cadaalad sababtoo ah si fiican ayuu tababar u sameeyay.

“Haatan waxaa la joogaa waqtigii uu fursad heli lahaa sababtoo ah waqti dheer ayuu wacdarro ka dhigayaa tababarka. Waxa i soo jiitay ayaa ah inuu ismuujinayo.”

Pellistri ayaa weli ku soo bilaabanin kulan Premier League ah xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu qeyb ka ahaa kooxda Man United ee afartii kulan ee ugu danbeysay.