Baladweyne ( Radio Beerlula )-Erling Haaland ayaa gool taariikhda galay ka dhaliyey Arsenal waxyar kaddib markii uu xadhiga ka furay timihiisa ee uu sii daayay, waxaana uu meel saaray oo uu jabiyey rikoodhkii gool-dhalinta xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah.
Weeraryahanka reer Norway ayaa dhaliyey goolkii ugu dambeeyey ee ciyaartii ay xalay Manchester City 4-1 ku xasuuqday Arsenal oo marti u ahayd, waxaana uu ahaa goolkii 33aad ee uu Erling Haaland ka dhaliyo horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League.
Waxa uu meel ku hubsaday Mohamed Salah oo muddo dheer haystay rikoodhka ah 32 gool oo uu kaa dhaliyey 38 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah, waxaana uu rikoodhkaas Haaland barbarreeyey usbuucii hore ka hor intii aanu Arsenal shabaqeeda taariikhda ku qoranin.
Erling Haaland ayaa waxa uu hadda hal gool oo kaliya ka dambeeyaa tirada goolashii ay Alan Shearer iyo Andy Cole ka dhaliyeen horyaalka Premier League oo ah min 34 gool, waana ciyaartoyda abid goolashii ugu badnaa hal xilli ciyaareed gudihii ka dhaliyey horyaalka.
Marka la eego tirada goolasha uu dhamaan tartamada ka dhaliyey Erling Haaland waa 49 gool, waana xilli ciyaareedkiisii koowaad ee Manchester City iyo horyaalka Premier League. Waxa u dheer siddeed caawimood oo uu raaciyey. Ciyaartoyga kusoo xiga ee qaaradda Yurub oo dhan, waxa uu ka horreeyaa 15 gool.