Baladweyne (Radio Beerlula)-Nin u dhashay waddanka Maraykanka ayaa ka dhaawacmay Bawdada bidix ka dib markii ay ku dhacday rasaas uu furay Eygiisa oo ku sugnaa qolkii uu hurday.
Dhacdadan oo ka dhacday gobolka Tennessee ayaa timid ka dib markii uu Eygu ku bood booday qoriga oo ammaanku u furnaa taas oo sababtay in ay rasaastu qolka oo dhan isaga baxdo kuna dhacdo ninkii Eyga lahaa oo xilligaas hurdo ku jirey.
Dawladda Maraykanka ayaa ka digtay in ay dadku qoryaha dhigtaan meelo ay Xaywaanka iyo ubadka yar aysan gaari karin maaddama oo ay sabab u noqon karaan dhimasho iyo dhawaac lama filaana oo dhibaato badan keeni kara.