Fabrizio Romano oo xaqiijiyay in Man United ay wadahadallo la furtay Barça si ay u hesho Frenkie de Jong

0
180

Baladweyne (Radio Beerlula)- Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in Kooxda kubadda cagta Manchester United ay wadahadallo la furtay Barcelona si ay u hesho xiddigeeda Frenkie de Jong.

De Jong weli kuma qanacsana inuu ka tago Kooxda Barcelona, waxaana uu doonayaa inuu ka ciyaaro tartanka UEFA Champions League.

Haddaba sida uu warinayo Suxufiga arrimaha suuqa aadka wax uga qora ee Fabrizio Romano, Kooxda reer England ee Manchester United ayaa wadahadal toos ah la furtay Barça si ay u hesho Frenkie de Jong.

Man United ayaa qiimo ku dhow 85 milyan oo euro ku doonaysa De Jong, waxaana uu xiddigan khadka dhexe uu sugayaa dalabka furitaanka.

De Jong weli kuma qanacsana inuu ka tago Barça, waxaana uu doonayaa inuu ka ciyaaro Koobka Horyaallada Yurub ee Champions League, laakiin Man United ayaa isku dayi doonta inay markale ku cadaadiso inuu u soo dhaqaaqo Ingiriiska, iyadoo Barcelona ay u baahan tahay inay xalliso arrimaha dhaqaalaha.

Xiddiga reer Holland ayaa horay u sheegay inuu maqlay wararka la xiriirinaya Manchester United, balse aysan jirin wax ay ku wargelisay kooxdiisa Barcelona.