Fadeexad laaluush oo xasaanadda looga qaaday xildhibaano baarlamaanka Yurub ah

0
166

Baladweyne (Radio Beerlula)- Baarlamaanka Yurub ayaa u codeeyey in xasaanadda laga qaado labo xildhibaan oo ay dowladda Beljam uga shakisan tahay in ay ku lug lahaayeen fadeexad weyn oo musuqmaasuq ah taas oo gilgishay baarlamaankaasi.

Labada xildhibaan ee talyaaniga ah eeAndrea Cozzolino, iyo Marc Tarabella, ayaa beeniyey in ay galeen wax qalad ah iyadoo lagu eedeeyey in ay dalaka Qadar iyo Marooko ay isku dayeen in ay saameeyaan baarlamaanka Yurubiyagoo isticmaaalaya laaluush ., labaadaas dalna wey dafireen arrintaa .

Haatanse baarlamaanku wuxuu u codeeyey in shaqsiyaadkaasi laga qaado xasaanadda.