Baladwayne ( Radio Beerlula )-Kaamarooyinka dahsoon CCTV ayaa qabtay fanaanka caanka ah ee (hip-hop) ee bilyaneerka ah, Diddy’ Combs , isagoo u muuqda inuu weerarraya fannaanada Casandra “Cassie” Ventura, gudaha hoolka hoteelka sanadkii 2016.
Muuqaalkan oo ay baahisay CNN ayaa soo shaac baxay kadib markii ay Ms Ventura ku eedeeysay saaxiibkeedii hore dacwad sannadkii hore.
Ma aysan ka hadlin xaaladan cusub, laakiin qareenkeeda ayaa sheegay inuu xaqiijinay0″ dhaqdhaqaaqa rabshadda iyo ugaarsiga ah ee Mr Combs lagula kacay”.
Qareenka Mr Combs kama uusan jawaabin codsi ay BBC-da ku weydiisay in uu faallo ka bixiyo arinkan.
BBC-du si madax-banaan uma xaqiijin muuqaalkan, kaas oo u muuqda inuu yahay ururinta xaglaha muuqaallada ilaalinta ee ku taariikhaysan 5 March 2016.
Sida laga soo xigtay CNN, muuqaalka waxaa lagu duubay hoteelka InterContinental Hotel ee Century City, Los Angeles.
Muuqaalku wuxuu u muuqdaa mid muujinaya Ms Ventura oo kasii baxaysa qolka hoteelka si ay ugu aado safka wiishka.
Waxa la arkayay nin shaar la’aan ah oo shukumaan dhexda ku xiran, oo degdeg ugu soconaya dariiqa.
Inta uu soo qabtay ayuu dhulka ku tuuray, taas oo keentay in ay boorsooyinka dhulka kaga dhacaan.
Laad ayuu ku dhuftay iyada oo dhulka jiifta, ka hor inta uusan soo qaadin boorsooyinkeeda isaga oo mar labaad haddab laaday, ka dibna isku dayay inuu jiido.