Faransiiska oo ku baaqay in aan la dbibaateyn muslimiinta Falastiiniyiinta

0
47

Baladweyne (Radio Beerlula)-Faransiiska ayaa ku baaqay in la joojiyo rabshadaha Israa’iil ee ka socda Daanta Galbeed ee la haysto, lana gaaro xal laba dal ah

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska, Stephane Ségornet, ayaa ku baaqay in la soo afjaro rabshadaha ay Israa’iil ka waddo Daanta Galbeed ee la haysto, kadib markii uu magaalada Qudus kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Sigourney, oo ku guda jira socdaal uu ku marayo bariga dhexe oo ujeedadiisu tahay in xabbad-joojin laga gaaro dagaalka Gaza ka socda, ayaa waxa uu sheegay in xaalad kasta oo jirta aanay dhici karin barakicin khasab ah oo lagu hayo Falastiiniyiinta.