Faransiiska oo xirashada cabaayadaha ka mamnuucay gabdhaha

0
159

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Gabdhaha Muslimiinta ah ee wax ka barta Faransiiska ayaa laga mamnuucayaa xirashada cabaayadaha oo ah dhar waaweyn oo astur ah, waxaana la qorsheynayaa in laga mamnuuco dugsiyada ay maamusho dowladda Faransiiska, sida uu sheegay wasiirka waxbarashada.

Sharciga ayaa la qorsheynayaa in la dhaqan geliyo isla marka sanad dugsiyeedka cusub uu billowdo 4ta Sebtembar.

Xirashada xijaabka ayaa mamnuuc ka ahayd dugsiyada dowladda ay maamusho tan iyo 2004-kii.

Tallaabadan ayaa timid kadib dood bilo ah oo ku saabsan xirashada cabbaayadaha ee iskuullada Faransiiska.

Mamnuucida dharka asturka ah ee ay gabdhaha muslimaadka ah ku dabaashaan oo ay soo rogeen barasaabyada Riviera ee Faransiiska, ayaa markii dambe laga qaaday goobaha loo dalxiis tago ee xeebaha kadib markii maxkamadda sare ee maamulka Faransiiska ay laashay sharciga lagu mamnuucayay.