Faranskiisa oo ku dhawaaqay inuu aqoonsanayo dowlad Falastiin leedahay

0
148

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dowladda Faransiiska ayaa si rasmi ah u aqoonsan doona dowlad Falastiin leedahay bisha Sebtembar, sida uu sheegay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, taasoo ka dhigeysa waddankii ugu horreeyay ee ka tirsan G7 oo tallaabadaas qaada.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee X, ee horey loo oran jiray Twitter, Macron wuxuu sheegay in warkan si rasmi ah loogu dhawaaqi doono intii lagu guda jiro fadhiga golaha guud ee Qaramada Midoobay oo ka dhici doona magaalada New York.

“Baahida degdega ah ee maanta waa in dagaalka Qasa la soo afjaro oo dadka rayidka ah la badbaadiyo, nabad waa suurtagal, waxaan u baahanahay xabbad joojin degdeg ah, in la sii daayo dhammaan la haystayaasha, iyo gargaar bini’aadannimo oo ballaaran oo la gaarsiiyo dadka Qasa,” ayuu yiri Macron.

Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa soo dhaweeyay go’aanka Macron.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here