Farriin whatsapp-ka lagu faafiyay oo sababtay in la garaaco haweeney uur leh.

0
356

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dad ku sugan magaalada Delhi ee dalka Hindiya ayaa garaacay haweeney uur leh, ka dib markii ay uga shakiyeen inay carruur afduubatay.

Taliska booliska ayaa BBC-da u sheegay in haweeneyda la garaacay, oo 25 jir ah, ay hadda xaaladdeeda wanaagsan tahay, saddex ruuxna loo xiray falkaas.

Dhacdadan ayaa qeyb ka ah weerarro xiriir ah oo ay sababeen warar la isla dhex marayay oo ku saabsan in carruur lagu afduubtay magaalada caasimadda ah iyo deegaannada jaarka la ah.

Falkan ugu dambeeyay ayaa la sheegayaa in farriintiisa dadka lagu gaarsiiyay adeegga Wahatsapp-ka, iyadoo haweeneydaasna mar qura la far fiiqay.

Sanadkii lasoo dhaafay, weeraro noocan ah ayaa lagu garaacay dad badan, halka qaarna lagu dilay, ka dib markii ay soo baxeen sheekooyinka la xiriira in carruur la afduubtay.

Muuqaal laga soo duubay falka lagu waxyeelleeyay haweeneyda uurka leh ayaa muujinaya iyadoo ay ku hareereysan yihiin koox dad ah. Waxaa sidoo kale laga maqlayaa iyagoo ku eedeynaya inay carruur qafaalatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here