Baladweyne ( Radio Beerlula )-Farshaxaniista maku-up ka mariya oo u dhashay dalka Nigeria ayaa lagu xukumay lix bilood oo xabsi ah ka dib markii uu daadiyay lacagta dalkaasi ee Naira, xilli uu ku jiray qoob-ka-ciyaarka xafladda arooskiisa, bishii Diseembar ee la soo dhaafay.
Cabdullahi Muusa Xuseeni, oo loo lagu naanayso “Amuscap”, ayay xukuntay maxkamad sare oo ku taal magaalada Kano ee waqooyiga Nigeria, daqiiqado ka dib markii uu qirtay dambiga.
In la saydhiyo lacagaha ayaa dhaqan ahaan dalka Nayjeeriya waxa uu inta badna ka yahay mid ay dadku sameeyaan xilliyada munaasabadaha, si ay u muujiyaan farxaddooda iyo xoolaha ay haystaan.
Si kastaba ha ahaatee, Guddiga Dembiyada Dhaqaalaha (EFCC) ee dalkaasi ayaa maxkamadda u gudbiyay dacwad ka dhan ah farshaxaniistan, iyaga oo tallaabadan ku tilmaamay mid muujinaysa ixtiraam la’aan loo hayo lacagta Naira ee dalkaasi


