Fataahado xaaqay qabuuro ku yaalla Nigeria

0
152

Baladweyne (Radio Beerlula)-Fataahado ayaa xaaqay in ka badan 1,500 meydad ah oo ku aasnaa qabuuro ku yaalla magaalada Mariga ee dhacda bartamaha Nigeria.

In ka badan 500 qabuuro ah ayay xaaqeen fataahadaha toddobaadkii lasoo dhaafay.

Imaamka ugu sarreeya magaalada Alhassan Musa Na’ibi ayaa BBC u sheegay in meydad gaaraya 1,000 dib loo aasay.

Fataahadaha ayaa ka dhashay roobab mahiigan ah oo ka da’yay halkaas.

Imaamka wuxuu sheegay in dhibaatadan aysan weligeed la kulmin tan iyo markii la bilaabay qabuurahaas 500 sano ka hor.

Daadadka ayaa sidoo kale burburiyay buunddooyin, waxay sidoo kale baabi’iyeen dhul beereed ballaaran.

Nigeria waxaa saameeyay fatahaadihii ugu ba’naa muddo 10 sano ah.

Tan iyo dabayaaqadii bishii July in ka badan 300 qof ayaa ku dhintay fatahaadaha halka in ka badan 100,000 qof ay guryahooda ka qaxeen