FBI Mareykanka oo lagu soo oogay dacwada hogaamiye Muslim ah oo la dilay 1965.

0
42

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Qoyska hoggaamiyihii Muslimka ahaa ee u dhaqdhaaqji jiray xaquuqda madowga Maraykanka Malcom X, ayaa dacwad ku soo oogay haya’ddaha FBI-da, CIA-da iyo waaxda booliiska New York (NYPD) inay qayb ku lahaayeen dilkiisa iyagoo dalbaday lacag magdhow ah oo dhan n $100m.

Dacwada ayey ku sheegeen Qoysku inay hay’addahaasi ku lug lahaayeen qorshahaas oo ay ku guul daraysteen inay ka hortagaan dilkaaasi.

Malcolm X, ayaa la dilay sanadkii 1965-tii markii saddex nin oo hubeysan ay toogteen 21 jeer xilli uu isku diyaarinayey inuu ka hadal ka jeediyo magaalada New York.

Haya’addaha Federalka oo ay ku jiraan kuwa howlgalada qarsoon ayaa ku sugnaa goobta intii dilku dhacayey mana jiin wax tallaabo oo ay ku soo faragaliyen sida eedeynta dacwada lagu sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here