Baladweyne ( Radio Beerlula )-Laanta dambi baarista Maraykanka ayaa xirtay garsoore lagu magacaabo Hannah Dugan oo ka howlgasha gobolka Wisconsin, ka dib markii lagu eedeeyay in ay isku dayday caawinta soo galooti aan sharciyeysneyn oo ka soo muuqday maxkamadeeda si aan loo xirin.
Qoraal la soo dhigay barta X, oo la tirtiray daqiiqado ka dib ayaa agaasimaha FBI Kash Patel uu ku eedeeyay Dugan inay u ogolaatay Eduardo Flores-Ruiz oo u dhashay Mexico, wajahayayna ilaa saddex dambi, inuu ka baxsado qolkeeda maxkamadda.
Flores-Ruiz ayaa markii dambe la xiray, waxaana uu ka soo muuqday maxkamada Milwaukee dhageysi loo qorsheeyay 18-kii Abriil.


