Feeryahan Muslim ah oo diiday inuu tababaro ninka ugu taajirsan adduunka.

0
81

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Warbaahinta caalamka ayaa tebisay in Khabib Nurmagomedov oo ah feeryahan caalami ah oo u dhashay dalka Ruushka uu diiday codsi ugu yimid maalqabeenka leh shirkadda X (Twitter), Elon Musk.

Ninkan oo hadda kaalinta koobaad kaga jira maalqabeennada dunida ayaa tartan feer u ballansaday milkiilaha Facebook, Mark Zuckerberg.

Labada maalqabeen ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ka dhexeeyay xifiltan xooggan oo dhanka tiknoolajiyadda ah, waxa ayna taa horseeday in ay isu ballansadaan tartan feer.

Wakaaladda wararka ee Ruushka, TASS, ayaa sheegtay in Khabib oo lagu naanayso “The Eagle” uu diiday codsiga uga yimid Elon Musk.

Bishii June ayay ahayd markii ay labada maalqabeen ku heshiiyeen in ay feertamaan.

Guddoomiyaha shirkadda Ultimate Fighting Championship (UFC) ee qaban-qaabisa tartannada feerka, Dana White, ayaa sheegay in labada nin ay dhab ka tahay arrintaas, oo lacagta ka soo baxda tartankaas ay ugu deeq doonaan hay’adaha samafalka.