Ferdinand Oo Shaaciyay Hal Wax Uu Rashford Kusoo Kordhin Doono Barca Oo Aysan Sameyn Karin Yamal, Raphinha Iyo Lewandowski

0
245

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Halyeeyga Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa rumeysan in Marcus Rashford uu ka heli karo Barca door gaar ah, inkastoo uu wajihi doono tartan xoogan oo kaga imanaya xiddigaha Raphinha, Lamine Yamal iyo Robert Lewandowski.

Ferdinand oo ka hadlayay barnaamijkiisa YouTube ayaa yiri: “Waa inuu dagaalamo si uu boos uga helo kooxda. Dad badan, aan aniga ku jiro, ma aaminsanayn in fursad sidan oo kale ah ay u furnaan doonto Rashford, marka la eego waxqabadkiisa labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay.”

Rashford, 27 jir, ayaa la filayaa inuu amaah ugu biiro Barcelona, iyadoo heshiisku uu wato ikhtiyaar iib ah oo ah €30m. Waxa uu ciyaari karaa weerarka dhexe iyo garabka bidix, balse sida Ferdinand sheegay, kooxda hadda waxey heysataa saddexleey weerar oo xoogan – Lewandowski oo dhaliyay 42 gool, Raphinha oo ku lug lahaa 59 gool, iyo Yamal oo si joogto ah saameyn ugu leh garoonka.

“Rashford wuxuu ku fiican yahay ka dhur sugidda qaladaadka daafacyada iyo u boos qaadashada xiddigaha kolka uu weerar socdo – taas ayaana ah waxa kooxdaan u baahan tahay,” ayuu yiri Ferdinand. “Raphinha iyo Yamal waxay jecel yihiin inay kubadda ku hor jiidaan daafacyada, Lewandowski-na hadda ma aha xiddig juhdigaas bixin kara.”

Ferdinand ayaa ku soo gunaanaday: “Rashford ma aha inuu beddelo cid kasta, ee waa inuu keeno kala duwanaansho kooxda. Haddii uu taas sameeyo, waa laga yaabaa inuu noqdo furaha guusha Barcelona xilli ciyaareedka cusub.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here