Filim ay Rani jishay oo muran ka dhex abuuray laba dal

0
141

Baladweyne (Radio Beerlula)-Muran cusub ayaa soo baxay oo ku saabsan filimka ‘Mrs Chatterjee vs Norway’ kaas oo ka soo baxay Hindiya 17kii Maarso.

Isku dhac dhanka dhaqanka ah ayaa ka dhex dilaacay labada dal ee Hindiya iyo Norway oo ku saabsan filimkan.

Atariishada caanka ah ee u dhalatay dalka Hindiya Rani Mukherji ayaa jishay filim Bollywood ah. Filimku wuxuu ku saleysan yahay sheeko dhab ah oo lamaane Hindi ah ku qabsatay dalka Norway abaare 12 sano ka hore.

Safiirka Norway u fadhiya dalka Hindiya Hans Jacob Freudenland ayaa qormo uu ku qoray joornaal ku sheegay in qaladaad badan oo ku saabsan Norway lagu sheegay filinka waxa lagu muujiyeyna ay guud ahaanba yihiin kuwa been abuur ah.

Dhanka kale Sagarika Chakraborty oo ah haweenayda filimku ku saabsan yahay ayaa ku doodeysa in dawladda Norway aanay run ka sheegain arrinka isla markaana ay dhacdada ka fidinayso warar been abuur ah ilaa iyo haatan.