Baladweyne ( Radio Beerlula )-TikTok ayaa ka saartay filter la yidhaahdo Chubby AI Filter oo dadka muuqaal ahaan ka dhigaayey qof buuran, filter kan ayaa dhalisay cadho iyo dood badan oo dadka cayilan u arkeen mid lagu jees jeesaayo.
Sadie Bass oo u dhalatey UK, ayaa dhaleeceeyay filter-kan, iyadoo sheegay in uu dhaawacayo kalsoonida dadka.
TikTok ayaa sheegtay in filter-ka uu ka soo geliyay dhanka barnaamijka CapCut, oo ay wada hoos yimaadaan shirkadda ByteDance.
Shirkadu waxay meesha ka saartay hashtags-kii la xidhidhay sida filter kan muranka badan dhaliyey.