Florida oo duufaanno darteed looga kala cararay.

0
58

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ka taagan cabsi laga qabo dufaanno ku soo wajahan gobolkan.

Dad badan ayaa ka qaxay guryahoodii, tan iyo markii uu soo baxay warka ku aaddan in gobolkaa duufaanno ku soo began yihiin.

Laba milyan oo guri iyo meherado ayaa hadda koronto la’aan ah.

Habeenkii marka la gaadho xaafado badan ayaa madhan, maadaama adeegyada gurmadka degdegga ah ay ka digeen in ay khatar tahay in ay ka jawaabaan wicitaannada.

Xeebta Atlantic, booliisku waxay sheegeen in ay jiraan dhimashooyin ka dhacay goob dalxiis ka dib markii dhowr duufaano ay ku dhufteen muddo 20 daqiiqo gudahood ah.
Iyadoo loo diyaargaroobayo dadaalka dib u soo kabashada, masuuliyiinta gobolka ayaa u daad gureeyay ku dhawaad 10,000 oo ka tirsan ilaalada qaranka, iyadoo la diyaariyey in la qaybiyo ilaa 20 milyan oo xidhmooyin cunto ah iyo 40 milyan oo litir oo biyo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here